Home » Maxaa Cusub » Liverpool Oo Dooneysa Iney Saxiixa Yannick Bolasie U Adeegsato Rickie Lambert Oo Ku Fashilmay Anfeld

Liverpool Oo Dooneysa Iney Saxiixa Yannick Bolasie U Adeegsato Rickie Lambert Oo Ku Fashilmay Anfeld


Bolasie

Kooxda Liverpool ayaa ku warantay iney xiiseyneyso saxiixa weerayahanka kooxda Crystal Palace Yannick Bolasie iyadoo u adeegsan doonta xidiga ku fashilmay la qabsiga Anfield ee Rickie Lambert.

Xidiga reer Africa ee u dhashay dalka Congo ayaa door weyn ka qaadanaya hormarka kooxda Crystal Palace oo uu hogaamiyo Alan Pardew waxaana lagu qiimeeyaa 20 Malyan Oo Pound.

Si kastaba Liverpool ayaa aaminsan iney ku guuleysan karto saxixia 25-jirkaan iyadoo Palace ku wareejin doonta Lambert iyo lacag aan la shaacin sida nay ka dhawaajisay The Sun.

33-jirka reer England Rickie Lambert ayaa xagaagan kusoo biiray kooxda Liverpool isagoo kasoo hayaamay Southampton, balse xidigaan uma suuragalin inuu helo fursad uu ku cadeeyo awoodiisa weerar.

Si kastaba Yannick Bolasie ayaa ku jira waqti fiican wuxuuna xagaagan u saftay kooxdiisa 30-kulan, isagoo u dhaliyay 40gool.

Ugu dambeyntii Bolasie sidoo kale wuxuu awoodi karaa inuu ka ciyaaro garbaha weerarka waana xidig awood ahaan dhameestiran oo Reds wax weyn kusoo kordhin kara.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>