Liverpool ayaa noqotay naadigii ugu dambeeyay ee lala xariirinaayo xidiga booska ka weesay kooxda Real Madrid Aiser Illarramendi.
Daily Star ayaa sheegay in 24-jirkan uu diyaar u yahay ka hayaamista garoonka Bernabue madaama uu boos joogto ah ka waayay kooxdiisa waxaana la filaa in Real Madrid aysan rabitaankiisa ka hor istaagi doonin.
Macalin Brendan Rodgers ayaa doonayo inuu Illarramendi lasoo saxiidxo madaama xagaagan Liverpool weyn doonto kabtan Steven Gerrard sidoo kalena Lucas Leiva isagana dhaawac joogto ah ayuu ka bixi la’yahay.
Sidoo kale wargeska AS ayaa sheegay in Illarramendi uu fariin ka helay saaxibkiis Xabi Alonso oo kula taliyay inuu kooxda Liverpool u dhaqaaqo hadii uu doonayo inuu kubada cagta hormar wanaagsan ka sameeyo.
Illarramendi ayaa lagu qiimeeyaa 25-milyan oo pound balse lama filaayo marka uu xili cayaareedkan dhamaado in qiimahiisa uu sidaan sii ahaado madaama uusan Madrid joogto ugu cayaarin.