Home » Maxaa Cusub » Liverpool Oo Hormar Wanaagsan Ka Sameesay Sidii Ay Gacanta Ugu Soo Dhigi Laheyd Inigo Martinez

Liverpool Oo Hormar Wanaagsan Ka Sameesay Sidii Ay Gacanta Ugu Soo Dhigi Laheyd Inigo Martinez


Spain Soccer La Liga

Macalinka kooxda Liverpool Brendan Rodgers ayaa aad ugu faraxsan aqbaarta cusub oo ah in kooxdiisa Liverpool saraakiisha u joogto dalka Spain ay hormar wanaagsan ka sameeyen sidii Anfield lagu keeni lahaa Inigo Martinez.

Daafacan dhexe ee ka tirsan naadiga Real Sociedad ayaa la hubaa inuu xagaagan kooxdiisa isaga hayaami doono waxaana dabagal xoogan ku hayaan kooxo dhowr ah oo ay ugu horeyso Real Madrid.

Balse Liverpool ayaa kooxda Sociedad miiska u saartay dalab lacageed oo gaarayo £14.3million waana qiimo xoogaa ku dhow midka kooxda reer Spain xidigan ku dooneyso kaasi oo ah £21.5m.

Liverpool rajada ay qabto ayaa ah in naadiga Real Sociedad aysan dalabkan iska diidin sidoo kalena kooxda reer Spain ay diyaar u tahay in wada hadalada lasii dar dar galiyo.

Liverpool ayaa qaati ka taagan hoos u dhaca ku habsaday Dejan Lovren kaasi oo ay bilawgii xili cayaareedkan lacago badan kaga soo iibsatay naadiga Southampton.

Sidaa darteed Ignazio Martinez oo kusoo bar baaray kooxda Real Sociedad ayuu aaminsan yahay macalin Rodgers inuu xalin karo dhibaatada dhanka daafaca dhexe ka heesato Reds.

 

 

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>