Kooxda Liverpool ayaa lagu wadaa inay lasoo saxiixato goolhaye Iker Casillas, kadib markii ay Reds ku guul dareesatay inay heshiis la gaarto Victor Valdes.
Wargeska The Metro ayaa sheegay in Liverpool ay ahmiyad gaar ah siin doonto sidii ay kula soo saxiixan laheed Casillas oo haatan kalsooni ka waayay taageerayaasha Real Madrid madaama qaladaadkiisa ay bateen.
33-jirkan diyaar ayuu u yahay inuu isaga baxsado garoonka Bernabue wuxuuna tababare Brenden Rodgers doonayaa inuu Iker Casillas keeno garoonka Anfield si uu ula tartamo goolhaye Simon Mignolet oo isagana qaladaadkiisa bateen xili cayaareedkan.
Casillas tan iyo sanadii 1990 wuxuu ka tirsanaa kooxda Real Madrid wuxuuna u saftay inka badan 450-kulan La Ligaha Spain sidoo kalena goolhayahan waaya araga ah xulkiisa Spain wuxuu u saftay 150-kulan.
Sida darteed haatan waxaa siweyn loo hadal hayaa inuu dalabka Liverpool aqbali doono madaama uu horey u sheegay hadii uu helo fursad uu kaga cayaari karo Premiership-ka England inuusan iska beer dareyn doonin.