Home » Maxaa Cusub » Liverpool Oo Ka Quusatay Sterling, Isla Markaana Sare U Qaaday Qiimaha Ay Xidigaan Ku Iibineyso

Liverpool Oo Ka Quusatay Sterling, Isla Markaana Sare U Qaaday Qiimaha Ay Xidigaan Ku Iibineyso


Sterling

Da’yarka Liverpool Raheem Sterling ayaa iska diiday inuu kusii nagaado gobolka Merseyside, gaar ahaan garoonka Anfield kadib markii uu ka biyo diiday inuu heshiis cusub saxiixo.

Liverpool haatan quus ayey ka joogtaa xidigaan, weyna kari weysay iney xidigaan ku qanciso inuu sii xirto maaliyadda Liverpool.

Si kastaba Liverpool lacag qaali ah ayey xidigaan madaxiisa duldhigtay si ay uga faa’ideysato baahida ay kooxaha u qabaan da’yarkaan waxeyna ku dooneysaa aduun dhan 60 Malyan Oo Pound.

20-jirkaan reer England wuxuu Anfield kaga tagi markii Reds miiska loo saaro lacag dhan 60 Malyan Oo Pound waxaana ku raad jooga xidigaan kooxaha Man City, Arsenal iyo Chelsea.

Awood uma lahan wiilkaan inuu ka hayaamo Anfield ilaa uu ka dhamaado qandaraaskiisa kaas oo dhacaya 2017.

Ugu dambeyntii Sterling wuxuu aad ugu hamuun qabaa inuu kasoo muuqdo koobka horyaalada yurub waana sababta qasbeysa inuu ka tago Liverpool.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>