Home » Maxaa Cusub » Liverpool Oo Kulankeedii Ugu Horeeyay Guul Ka Gaartay Xidigaha Thailand All Stars Kulan Origi Uu Gool Dhaliyay

Liverpool Oo Kulankeedii Ugu Horeeyay Guul Ka Gaartay Xidigaha Thailand All Stars Kulan Origi Uu Gool Dhaliyay


reds

Kooxda Liverpool ayaa guul ku bilaawday safarkeeda cayaareed oo ay haatan qaarada Asia ku joogto waxayna 4-0 ku suul duurtay xidigaha la isku soo aruuriyay ee hal naadi laga dhigay Thailand All Stars.

Kulan xiisaha badan macalin Brendan Rodgers waxaa u suura gashay inuu cayaarsiiyo qaar ka mid ah saxiixyada Liverpool ku cusub goolhaye Bogdan, Gomez, Ings iyo James Milner.

Sidoo kalena weeraryahanka reer Belgium David Origi ee Reds amaah kaga maqnaa xili cayaareedkii dhawaa ayaa bilaabay goolashii laga filaayay madaama uu kulankan gool dhaliyay.

Lazor Markovic ayaa Liverpool goolasha u bilaabay wuxuuna cayaarta 1-0 ka dhigay daqiiqadii 4-aad xidigan dhalinta yar ayaa dhaliyay gool aad u xeeladeesan.

Mamadou Sakho ayaa qaybtii hore ee kulan Liverpool markale hogaanka u dhiibay kadib markii uu madaxa kubad ku dhaliyay wuxuuna cayaarta ka dhigay 2-0.

Qaybta hore cayaarta 2-0 ayaa lagu kala nastay waxaana kulankan xiisaha badan usoo daawasho tageen taageerayaal gaarayo ilaa 50,000 oo qof.

Macalin Rodgers ayaa sameeyay badal aad u badan taasi oo ka dhigneed inuu dhamaan xidigaha safarkan usoo raaceen inuu cayaarsiiyo.

Adam Lallana ayaa isagana gool muhiim ah Reds u dhaliyay qaybtii labaad wuxuuna xidigan reer England kusoo galay badal asigoo cayaarta ka dhigay 3-0.

Qaybihii ugu dambeeyay ee kulankan Liverpool waxaa goolkii 4-aad u dhaliyay Divock Origi oo badal kusoo galay sidoo kalena weeraryahankan intii uu garoonka ku jiray isku day badan ayuu sameeyay.

Cayaartan ayaa 4-0 kusoo idlaaatay waxayna Liverpool sii wadan doontaa safarkeeda cayaareed oo haatan qaarada Asia kaga bilaawday kadibna Australia ayay usii gudbi doontaa.

Xidigaha Liverpool qaybta kowaad u cayaareen: Bogdan, Gomez, Toure, Sakho, Wisdom, Lucas, Rossiter, Teixeira, Markovic, Ings, Lambert

Xidigaha Liverpool qaybta labaad u cayaareen: Mignolet, Clyne, Skrtel, Lovren, Maguire, Allen, Henderson, Milner, Ibe, Lallana, Origi

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>