Home » Maxaa Cusub » Liverpool Oo Maal Maha Nagu Soo Fool Leh Saxiixa Mateo Kovacic Dhameestiri Doonto

Liverpool Oo Maal Maha Nagu Soo Fool Leh Saxiixa Mateo Kovacic Dhameestiri Doonto


Mateo Kovacic

Tuttosport ayaa si rasmi ah u sheegay in ugu dambeyntii kooxda Liverpool ay ku guuleesatay saxiixa xidiga Inter Milan khadka dhexe kaga cayaaro Mateo Kovacic.

Xidigan ayaa lagu wadaa inuu garoonka Anfield usoo dhaqaaqo isniinta nagu soo fool leh waxayna Liverpool dhigeeda Inter ku wareejin doontaa €30m.

Waana qiimahii ay horey Inter Milan u sheegtay inay kaga samri karto Kovacic oo ka mid ah xidigaha Serie A-da ugu wanaagsan.

Liverpool ayaa horey dalab labo jeer oo kala duwan laga diiday sidaa darteed si uusan waqti kale kaga lumin waxay Reds go’aansatay inay bixiso lacagaha laacibkan qandaraaskiisa lagu jebin karo.

21-jirkan ka tirsan xulka Croatia ayaa lagu wadaa inuu booska Steven Gerrard buuxiyo madaama uu yahay laacib kubada dhisi karo sidoo kalena raaco.

Macalin Brendan Rodgers ayaa taageero weyn u ah Kovacic wuxuuna ku kalsoon yahay in isaga iyo Jordan Henderson ay si wadajir ah khadka dhexe ee Liverpool xili cayaareedka dambe u maamuli karaan.

Tuttosport ayaa ugu dambeyntii sheegay in Inter Milan ay iyadana haatan kooxda Marsielle kala heshiisay qiimaha Giannelli Imbula.

Waxayna Inter xidigan ku qaadan doontaa €18m asigoo lagu wado inuu booska Mateo Kovacic buuxiyo xagaagan.

 

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>