Home » Maxaa Cusub » Liverpool Oo Maciin Bidi Doonto Inay Bisha Janaayo Soo Ceshato Xidigaha Amaahda Kaga Maqan Divock Origi

Liverpool Oo Maciin Bidi Doonto Inay Bisha Janaayo Soo Ceshato Xidigaha Amaahda Kaga Maqan Divock Origi


Origi

Kooxda Liverpool haatan waxaa heesato dhibaato dhanka weerarka ah iyo sidoo kale xidigo badan oo dhaawac ka ah, arimahaas oo is kaashaday ayaa ku qasbi doonaan macalin Brenden Rodgers inuu bisha Janaayo dib ugu soo celiyo garoonka Anfield Divock Origi.

Weeraryahanka xulka Belgium xagaagan ayuu Liverpool kusoo biiray balse waxay Reds dib amaah ahaan ugu siisay kooxdiisii hore Lille, haatana wacdaro xooga ayuu horyaalka France ka dhigayaa.

Inkastoo lagu balamay markii hore inuu xili cayaareedkan Lille ku dhameesto Origi hadana Liverpool balankaas inay jebiso ayay diyaar u tahay madaama ay baahi weyn u qabto inay ka faa’iideesato tayad xidigan dhalinta yar.

Mario Balotelli iyo Rickie Lambert xaalkooda ma fadhiyo welina lama qabsanin garoonka Anfield sidoo kalena Daniel Sturridge isagana dhaawac ayuu saaxiib la noqday sidaa darteed Liverpool ayaa fariin u dirtay kooxda Lille waxayna u sheegtay in Origi ay dib u ceshan doonto horaanta sanadka cusub.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>