Home » Maxaa Cusub » Liverpool Oo Marco Reus U Balan Qaaday Iney ka Dhigeyso Xidiga Ebid Ugu Mushaarka Badan Kooxda

Liverpool Oo Marco Reus U Balan Qaaday Iney ka Dhigeyso Xidiga Ebid Ugu Mushaarka Badan Kooxda


marcos-reus

Kooxda Liverpool ayaa xooga saareysa saxiixa kubad sameeyaha dhanka weerarka ee kooxda Borrusia Dortmund Marco Reus iyadoo u balan qaaday iney ka dhigi doonto xidiga ebid Liverpool ugu mushaarka badan iyadoo siin doonta 200,000 Pound isbuucii.

25-jirkaan heerka caalami ayaa iska diiday qorshe ay u soo bandhigtay kooxdiisa oo ka dhigi karay inuu kooxda kusii nagaado sanado badan, balse Branden Rodgers oo xidigaan mudo badan ku raad joogay ayaa haatan qorsheynaya inuu xidigaan kusoo jiito mushaaraadkaas.

Dhanka kale Dortmund ayaa raadsatay badalka Marco Reus kaas oo dhaawacyo ku seegay inta badan xili ciyaareedkaan kaliya laba kulan ayuuna kasoo muuqday.

Sidoo kale warar ay baahineyso Metro ayaa sheegaya in Liverpool ay qorsheyneyso iney xidigaan ka saxiixdo heshiis shan sano ah iyadoo siineysa lacagahaas faraha badan leh.

Hadii Heshiiskaan uu rumoobo Marco Reus wuxuu noqon doonaa xidigii ugu horeeyay taariikhda kooxda Liverpool ee qaata mushaar dhan 200,000 Pound isbuucii.

Ugu dambeyntii kooxda Manchester City ayaa Liverpool kula dagaalami karta taasoo iyadana aad u dooneysa xidigaan heerka caalami ee xulka Jarmalka.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>