Home » Maxaa Cusub » Liverpool Oo Qiimo Adag Ku Dooneyso Andriy Yarmolenko Waa Xidig Booska Sterling Buuxin Karo.

Liverpool Oo Qiimo Adag Ku Dooneyso Andriy Yarmolenko Waa Xidig Booska Sterling Buuxin Karo.


Andriy-Yarmolenko-Ukraine

Macalin Brendan Rodgers shaqo culus ayaa haatan  taalo oo ah inta xili cayaareedkan ka dhiman inuu booska 4-aad u dagaalamo iyo sidoo kale inuu helo xidigii booska Raheem Sterling buuxin lahaa.

Sidaa darteed Daily Star ayaa sheegay in Liverpool ay haatan lacago adag ku dooneyso xidiga reer Ukraine Andriy Yarmolenko kaasi oo garabka bidix kaga cayaaro naadiga Dynamo Kiev.

25j-jirkan waxay Liverpool ku dooneysaa £19.5m waana qiimo lacageed oo ay kooxdiisa aqbali doonto sidoo kalena isagana wuxuu xiiseenaaa inuu Premiership-ka England usoo dhaqaaqo.

Yarmolenko waa xidig ay dhalintiisa aad u fiican tahay inkastoo uu garbaha khadka dhexe ka cayaaro wuxuuna kooxdiisa Dynamo Kiev u dhaliyay 88-gool asigoo u saftay 237-kulan.

Sidoo kale xidigan waxaa ku raad joogaan kooxaha Man United, Chelsea, Tottenham, New Castle iyo West Ham United sidoo kalena wakiilkiisa ayaa lagu wadaa inuu todobaadka dambe soo gaaro magaalada London si uu wada hadala ula furo dhamaan xidigaha ku raad joogaan saxiixa Yarmolenko.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>