Home » Maxaa Cusub » Liverpool Oo Qiimo Jaban Ku Qaadan Rabto Goolhayaha Xulka Mexico Guillermo Ochoa

Liverpool Oo Qiimo Jaban Ku Qaadan Rabto Goolhayaha Xulka Mexico Guillermo Ochoa


uillermo Ochoa

Liverpool oo haatan noqotay naadiga kaliya ee qaarada Yurub ugu baadi goobista badan goolhaye tayo wanaagsan ayaa haatan u weecatay sidii ay kusoo xero galin laheed goolhayaha xulka Mexico iyo naadiga Malaga Guillermo Ochoa.

Sida aan kaso xiganay TuttoMercato, Liverpool ayaa ahmiyad gaar siin doonto sidii ay gacanta ugu soo dhigi laheed Guillermo Ochoa oo la xasuusto xagaagan wacdarihii uu ka dhigay dalka Brazil koobkii aduunka madaama uu bandhig heer sare ah ka muujiyay.

Liverpool ayaa ku qaadan doono goolhayahan waaya araga ah wax ka yar £3.9m waana qiimo aad u yar oo ay bixin karto Reds oo aad ugu dhibaatooneyso ina hesho goolhaye tayo wanaagan madaama Simin Mignolet uu heesto hoos u dhac joogto ah.

29-jirkan sedex bilood ka hor ayuu naadiga Malaga ku biiray balse diyaar ayuu  yahay inuu dalabka Liverpool ka faa’iideesto madaama uu dhawaan ka dhawaajiyay wakiilkiisa inaysan iska diidi doonin hadii ay helaan fursad ay ugu soo guuri karaan Premiership-ka England.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>