Kooxda Liverpool ayaa diyaar u ah lacagta ay heesato inay bisha Janaayo kula soo saxiixato labada xidig ee u dhalatay dalka England sidoo kalena ah kuwa haatan loogu doonista badan yahay EPL.
Macalin Brenden Rodgers ahmiyada kowaad wuxu siin doonaa soo xero galinta weeraryahanka dhalinta yar e naadiga West Brom ka tirsan Saido Berahino.
Waxaana haatan lagu qiimeeyaa wiilkan £30m madaama uu xili cayaareedkan sameeyay hormar aan caadi ahayn.
Sidoo kalena 21-jirkan kooxaha Tottenham iyo Man United ayaa saxiixiisa ku raad joogaan balse Liverpool ayaa diyaar la ah lacagaha West Brom ay ku dooneyso inay bixiso.
Sidoo kale Reds waxay dadaal xoogan ugu jirtaa soo xero galinta Nathan Redmond oo ka tirsan naadiga Norwich City oo haatan heerka labaad ee horyaalka England ka cayaarto.
Nathan Redmond ayaa khadka dhexe ka cayaaro waxaana lagu qiimeeyaa £10million sidaa dartee tababare Rodgers aya go’aansaday inuu wiilkan garoonka Anfield kusoo biiriyo madaama Redmond uu kusoo baxay xidig la isku haleen karo.