Macalinka kooxda Liverpool Brenden Rodgers ayaa ku fikiraayo inuu kooxdiisa dib u dhis xoogan ku sameeyo horaanta bisha Janaayo wuxuuna macalinkan doonayaa inuu lasoo saxiixdo labo ka mid ah xidigaha ugu muhiimsan kooxda Aston Villa.
Inkastoo Liverpool ay xagaagan qarash gareesay £110m hadana kooxdan uma suura galin inay hormar xili cayaareedkan ka sameyso Premiership-ka England sidaa darteed Liverpool waxay xooga saari doontaa sanadka cusub inay gacanta kusoo dhigto xidighaha kala ah Fabian Delph iyo Ron Vlaar.
Labadan xidig qandaraaska ay Villa kula jiraan wuxuu ku egyahay dhamaadka xili cayaareedkan sidaa darteed Liverpool ayaa ku kalsoon inay labadan xidig ku heli karto £12m.
Sidoo kale labadan kuma qanacsano inay baaqi kusii ahaadaan garoonka Villa Park madaama kooxdan 6-kulan ilaa haatan laga badiyay EPL sidoo kalena waxaa la sadaalinaa in Aston Villa ay xili cayaareedkan kaalimaa hoose ku dhameesan doonto.
Hadaba Vlaar oo ah daafac tayo wanaagsan makuu soo kordhin karaa xasilooni Liverpool oo dhanka daafaca ka liidato sidoo kalena Delph isagana khadka dhexe ee Reds awood dheeraad ah ayuu kusoo kordhin karaa.