Sida ay qortay Daily Mirror kooxda Liverpool ayaa dooneysa iney keento qorshe cajiib ah oo qarsoodi u ah kaas oo ay dooneyso iney saxiixa Memphis Depay kaga dulqaado kooxda Manchester United.
Warbaahinta Ingiriiska ayaa badi qoray in Memphis Depay uu todobaadkan imaan doono Ingiriiska si uu heshiis ula gaaro kooxda Man United oo si ba’an loola xiriirinayo, balse sida warbixinta lagu qoray Depay ayaa Anfield kula kulmi doona Ian Ayre oo ka mid ah milkiilayaasha Liverpool.
21-jirkaan heerka caalami waxaa haatan si xoogan ugu loolamaya Man United iyo Liverpool inkastoo sadaasha ugu badan loo xaglinayo Louis Van Gaal oo xiriir fiican la leh xidigaan reer Holland.
Sidoo kale Mirror waxey shaacisay in 20 Malyan Oo Pound xidigaan lagula wareegi karo iyadoo PVS Eindhoven ayba diyaar u tahay iney lumiso xidigeeda.
Ugu dambeyntiina sheekada xidigaan la xiriirta ma jirto iney ka hadleen wakiilkiisa iyo xidiga qudhiisa inkastoo LVG qudhiisa uu ka aamusay su’aal laga weydiyay arinta xidigaan xili uu ku jiray shirka jaraa’id ee ka hor kulanka Everton ee Axada.