Macalin Brendan Rodgers ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay helitaanka saxiixyada kooxda Liverpool u calaameesan xagaagan.
Hadaba daafaca garabka midig ee xulka England iyo naadiga Southampton Nathaniel Clyne ayaa ku booriyay Liverpool inay la saxiixdaan.
Liverpool ayaa hore looga diiday €12.5m balse waxay dooneysaa Reds inay sare u qaado qiimaha ay xidigan ku dooneyso marba hadii Clyne uu isaga si gaar ah u xiiseenayo usoo baqoolida garoonka Anfield.
Dhinaca kale The Express ayaa sheegay in Liverpool ay haatan wada hadalo la furtay dhigeeda New Castle waxayna ka dooneysaa xidiga reer France Moussa Sissoko.
Inkastoo 25-jirkan ay saxiixiisa ku raad joogaan kooxaha Chelsea iyo Arsenal hadana Liverpool ayaa diyaar la ah inay bixiso €24m ee kooxda New Castle Sissoko dul dhigtay.
Liverpool ayaa dooneyso inay Moussa Sissoko galiso booska Raheem Sterling oo la filaayo inuu xagaagan naadiga Man City ku biiro.
Madaama Sterling uu diiday inuu heshiis cusub Reds u saxiixo waxaana la filaa in Man City ay ku iibsato in ka badan £40m waayo xidigan Anfield inuu soo joogo diyaar uma ahan isbadal walbo oo Liverpool lagu sameeyo xagaagan.