Home » Maxaa Cusub » Liverpool Oo Safarkeedii Cayaareed Bar Bar Dhac Ku Dhameesatay Kulan Ay Is Mari Waayeen Malaysia All Stars

Liverpool Oo Safarkeedii Cayaareed Bar Bar Dhac Ku Dhameesatay Kulan Ay Is Mari Waayeen Malaysia All Stars


ibe

Macalin Brendan Rodgers iyo kooxdiisa Liverpool safarkeeda cayaareed oo ay todobaadyadan ugu maqneed Asia iyo Australia ayaa usoo idlaaday.

Reds kulankeedii ugu dambeeyay waxay bar bar dhac 1-1 la gashay Malaysia All Stars kulankan xiisaha badan wuxuu ka dhacay magaalada Kuala Lumpur gaar ahaan Bukit Jalil National Stadium.

Liverpool waxaa guul daro ka bad baadiyay 19-jirka laga daba dhacay Jordan Ibe oo dhaliyay gool aad u qurux badan kulankan.

Patrick Ronaldinho Wleh oo matalaayay Malaysia All Stars ayaa Liverpool gool kaga naxsaday daqiiqadii 13-aad.

Balse Jordan Ibe ayaa dhaliyay laad xoogan oo aad u qurxoon daqiiqadii 28-aad wuxuuna kulankan guud ahaan kusoo idlaaday 1-1.

Liverpool safarkeeda cayaareed waxay kusoo idleesatay sedex guul ah iyo kulankeedii ugu dambeeyay oo ay bar bar dhac gashay.

Xaqiiqada Kulankan iyo xidigaha Liverpool u safteen: Bogdan, Clyne, Skrtel, Lovren, Moreno (Gomez 78), Henderson, Lucas (Rossiter 72), Milner (Chirivella 90+1), Ibe, Lallana, Origi (Ojo 71)

Badalka aan la isticmaalin: Mignolet; Toure, Wisdom, Sakho, Wilson, Teixiera, Kent, Allen, Lambert, Markovic, Ings

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>