Home » Maxaa Cusub » Liverpool Oo Sare U Qaaday Qiimaha Ay Ku Dooneyso Kubab Qaabeeyaha Inter Milan Mateo Kovacic

Liverpool Oo Sare U Qaaday Qiimaha Ay Ku Dooneyso Kubab Qaabeeyaha Inter Milan Mateo Kovacic


Mateo Kovacic

Kooxda Liverpool waxay go’aan ku gaartay inay xagaagan gacanta kusoo dhigto kubad qaabeeyaha reer Serbia Mateo Kovacic kaasi oo a Inter Milan ku tiirsan tahay.

Liverpool bilawgii sanadkan waxaa laga diiday dalab €10m (£7m) waxayna Inter Milan kooxda reer Ingiriis ku wargalisay in 21-jirkan tayadiisa meel looga dhacay!

Sidaa darteed wargeska Daily Star ayaa sheegay in Liverpool ay haatan sare u qaaday qiimaha ay ku dooneyso Kovacic waxay u gubisay Inter Milan fariin ah inay diyaar la tahay €20m.

Inter Milan si deg deg ah dalabkan cusub ugama soo jawaabin waxayna sugi doontaa inta uu xili cayaareedkan ka dhamanayo iyo hadii ay dalab midka Liverpoo ka sareeyo kooxaha reer Yurub usoo bandhigaan.

Joornaalistaha reer Talyaani Tancredi Palmeri ayaa sharaxaad ka bixiyay qiimaha ay Inte Milan ku dooneyso xidigan dhalinta yar wuxuuna yiri “Xagaagii hore Inter waxay €20m dalab ah ka diiday naadiga Barcelona”

“Waxaan aamin sanahay inay dalab qiimo ahaan Kovacic ku dooneyso €30m waana sababta keentay in dalabka Liverpool laga jawaabin”

Kooxda Liverpool ayaa u aragto in Kovacic uu booska Steven Gerrard buuxin karo madaama uu yahay xidig kubada k dagaalamo sidoo kalena ku weerar gali karo.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>