Inkastoo shabeelkii reer Colombia uu waqti adag ku qaadanayo garoonka Old Trafford hadana kooxdii markii horaba ku raad joogtay ee Liverpool ayaa tijaabineysa nasiibkeeda xidigaan iyadoo dooneysa iney la saxiixato marka uu dhamaado xagaagan.
Xidigii hore kooxaha Atletico Madrid, Porto iyo Monaco ayaa xili ciyaareedkaan si amaah ah ugu soo biiray Man United, balse wuu ku wareeray imaatinkiisa halkaan.
Si kastaba The Sun ayaa cadeysay in Liverpool macalinkeeda Branden Rodgers uu doonayo inuu dib u dhiso moraalka Falcao isla markaana uu kusoo celiyo wajigisii hore.
29-jirkaan waxaa haatan fursad u heysata iney 43 Malyan Oo Pound kula saxiixato Man United inkastoo sidoo kale kooxaha Chelsea, Real Madrid iyo Juventus ay xiiseynayaan.
Branden Rodgers wuxuu doonayaa inuu isna soo idleeyo dhibaatada weerarka ee kooxdiisa heysata madama uu fashilmay saxiixooda Mario Balotelli.
Ugu dambeyntii Falcao ayaa dhaliyay 4-gool oo qura tan iyo bishii July ee sanadkii hore.