Home » Maxaa Cusub » Liverpool Oo U Dhaqaaqday Sidii Ay Kula Soo Wareegi Laheyd Xidiga Real Madrid Asier Illarramendi

Liverpool Oo U Dhaqaaqday Sidii Ay Kula Soo Wareegi Laheyd Xidiga Real Madrid Asier Illarramendi


Illara

Kooxda Liverpool ayaa haatan dib usoo nooleesay xiisaha ay u qabto xidiga khadka dhexe Real Madrid kaga cayaaro Asier Illarramendi.

Asier Illarramendi ayaa dhawaan kooxdiisa Real Madrid ka codsaday in la iska fasaxo madaama labadii sano ee ugu dambeesay xidigan uusan helin fursad uu kulamo badan kooxdiisa ugu cayaaro.

Sidaa darteed macalin Rafeal Benitez ayaan muhiim u arkin Asier Illarramendi waxayna midaas u sahli kartaa Liverpool inay xagaagan xidigan khadka dhexe ku wanaagsan gacanta kusoo dhigto.

25-jirkan waxay Liverpool ku dooneysaa inay kula soo saxiixato £16m wuxuuna macalin Rodgers aaminsan yahay in Asier uu xalin karo dhibaatada Liverpool dhanka khadka dhexe ka heesato.

Wargeska Marca ayaa sheegay in Liverpool ay haatan dalabkan lacageed u gudbisay dhigeeda Real Madrid sidoo kalena ay kaga fadhiso in lacagahan laga aqbalo.

Asier Illarramendi ayaa doonayo inuu xili cayaareedkan 2015/16 si joogto ah u cayaaro madaama xidigan uu ku riyoonayo inuu xulka Spain kala qayb qaato tartanka Euro 2016.

Wuxuuna macalinka Liverpool u balan qaaday boos joogto ah midaas oo u sahli karto Liverpool inay saxiixa Asier Illarramendi kaga guuleesato kooxaha Arsenal, FC Porto iyo AC Milan oo qal qaalo ugu jiraan qaabkii ay ku heli lahaayeen.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>