Wararka ka imaanayo gudaha garoonka Anfield ayaa sheegayo in kooxda Liverpool ay haatan ku hawlan tahay sidii ay kula soo saxiixan laheed goolhayaha kooxda Stoke City iyo xulka Bosnia Asmir Begovic.
Ma ahan markii ugu horeesay oo ay Liverpool Begovic raadiso waayo xagaagii 2013 ayay ku guul dareesatay saxiixiisa madaama Stoke ay xiligaas dul dhigtay £15M.
Liverpool haatan waxay qaati ka taagan tahay hoos u dhaca heesto Simon Mignolet sidaa darteed macalin Rodgers diyaar ayuuu yahay inuu markan maamulka Stoke City raali galiyo si uu Begovic ugala soo saxiixdo.
Begovic haatan waa 27-jir waxaana qandaraaska kooxdiisa Stoke kaga harsan 20-bilood waxaana haatan lagu iibsan karaa £10m waana qiimo lacageed oo ay Liverpool diyaar la tahay inay bixiso horaanta bisha Janaayo si ay xili cayaareedkan inta ka harsan Begovic ula soo shirtagto.