Wargeska Telegraph ayaa ka dhawaajiyay in kooxda Liverpool ay haatan u weecatay sidii ay xagaagan gacanta ugu soo dhigi laheyd xidiga Inter Milan khadka dhexe uga cayaaro Hernanes.
Liverpool ayaa u aragto Hernanes oo u dhashay dalka Brazil inuu booska halyee Steven Gerrard buuxin karo madaama uu xidigan kubada hore u qaadi karo sidoo kalena raacistiisa wanaagsan tahay.
Liverpool qorshaheedii kowaad wuxuu ahaa inay Inter kasoo qaadato Mateo Kovacic balse waxay ku heshiin waayeen qiimahiisa madaama Inter ay xidigan ku dooneyso in ka badan £25million.
Balse haatan Liverpool qorshaheeda wey badashay waxayna dooneysaa Inter inay kala hadasho qaabkii Hernanes looga iibin lahaa.
Hernanes qandaraaska uu Inter kula joogo waxaa uga harsan mudo sedex sano ah balse kooxdan waxay dooneysaa hadii uu xidigan xagaagan baxayo in laga siiyo £14million waana isla qiimahii ay kooxda Lazio kaga soo qaadatay.
Sidaa darteed £14million waa qiimo ay si deg deg ah Liverpool ku bixin karto sidoo kalena Hernanes qaabkii Anfield lagu keeni lahaa Liverpool waxay u kaashan doontaa xidigaheeda reer Brazil Coutinho iyo Firmino.
Macalin Brendan Rodgers ayaa maamulka Liverpool qorshahan usoo bandhigay madaama ay lacago badan Liverpool baaqi u noqon doonto hadii ay Hernanes lasoo saxiixdaan weyna ka aqbaleen.