Liverpool ayaa wakiilo soo qiimeya qaab ciyaareedkiisa u dirtay kubad sameeyaha kooxda SS Lazio Felipe Anderson.
Warbaahinta talyaaniga ayaa qiray in Paul Goldrick uu yimid dalka talyaaniga isagoo daawaday kulankii ay Lazio 4-0 ku xasuuqday Fiorentina kulan ka dhacay magaalada Rome.
21-jirkaan heerka caalami ayaa ciyaaray 90-ka daqiiqo xili kooxda Biancocelesti lagu neynaaso ay ku hamineyso sadexda koox ee ugu sareysa horyaalka talyaaniga isla markaana ay xiliga soo aadan ka qeyb galaan koobka Champions League.
Felipe Anderson ayaa dhaliyay 7-gool, sidoo kalana 8-kale caawiyay 23-kulan oo uu ciyaaray koobka horyaalada yurub, waana mid ka mid ah da’yarta khadka dhexe ugu fiican Serie A-da iyo yurub.
Heshiiska uu SS Lazio kula jiro Felipe Anderson wuxuu ku egyahay 2018, balse Liverpool ayaa dooneysa iney ka fa’ideysato tayada xidigaan.
Ka sokow in Liverpool ay u dirtay wakiilka soo qiimeeya hadana kooxaha ka dhisan magaalada Manchester iyo Chelsea ayaa sidoo kale lala xiriirinayaa.