Home » Maxaa Cusub » Liverpool Oo Xaqiijisay In Balotelli Uusan Caawo Ka Qayb Qaadan Doonin Kulank Leicester City

Liverpool Oo Xaqiijisay In Balotelli Uusan Caawo Ka Qayb Qaadan Doonin Kulank Leicester City


balotelli-madrid490ai

Waxaad moodaa in dhaawaca Super Mario uu halis isku badalay waayo tan iyo markii uu xidigan ku dhaawacmay tababarka xulkiisa Italy wuxuu seegay 3-kulan oo ay Liverpool cayaartay.

Sidoo kale Liverpool ayaa xaqiijisay in Balotelli uusan caawo ka qayb qaadan doonin kulanka ay wajihi doonto naadiga Leicester City kana tirsan Premiership-ka England.

Balotelli ayaa dhaawac dhanka gumaarka ah ka qabo waxaana maqnaanshaha 24-jirkan xaqiijiyay macalin Brenden Rodgers.

“Dhamaan xidigaha kooxda kuwii ka qayb qaateen kulankii Stoke diyaar ayay u yihiin inay Leicester wajahaan, balse Balotelli ayaa naga maqnaan doono madaama uu weli si wanaagsan usoo kabanin”

Sidoo kale macalin Rodgers ayaa xaqiijiyay in daafaca reer France Sakho uu dib ugu soo laabtay tababarka Liverpool mudo bilooyin kadib.

“Sakho tababarka ayuu kooxda la qaatay wuxuuna u muuqdaa inuu diyaar u yahay safashada EPL balse kulanka Leicester kama qayb qaadan karo madaama uu tababar dheeraad iyo jirdhis u baahan yahay balse sida ugu dhaqsiyaha badan ayuu kooxda uga soo dhex muuqan doonaa”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>