Weeraryahanka Xulka Faransiiska iyo Kooxda Blues Loic Remy ayaa diyaar u ah inuu booskiisa weerarka kula dagaalamo weeraryahanka reer Spain Diego Costa kaas oo haatan safka hore kaga jira kooxda Blues.
27-jirkaan sanadii hore amaahda ugu ciyaaray Newcastle ayaa dib ugu laabtay QPR isagoo ugu dambeyn kusoo biiray Blues inkastoo uu kursiga keydka daris la yahay madama Costa uu wacdaro ka dhigay horyaalka Ingiriiska ugu horeynba.
Si Kastaba Loic Remy ayaa cadeeyay in kusoo biiritaankiisa Chelsea uusan culeys u dareemin isla markaana uu diyaar u yahay waqtigaan inuu booskiisa kula dagaalamo Diego Costa.
“Marka ay kusoo marto fursadaan oo kale lama diidi karo, wey igu soo daahday” Ayuu ugu waramay Daily Star.
Remy ayaa sidoo kale aaminsan in Chelsea tahay koox ka mid ah kuwa ugu wanaagsan dunida, isla markaana uu ku faraxsan yahay inuu kusoo biiro, sidoo kalana wuxuu qiray inuusan aheyn weeraryahanka koowaad balse uu dagaalami doono.
Ugu dambeyntii Remy ayaa lix kulan kasoo muuqday Blues dhamaan tartamada oo dhan, isagoo badal ku imaanayay badi.