Weeraryahanka reer France Loïc Remy oo badal kusoo galay ayaa kooxdiisa Chelsea guul dhib badan ka siiyay naadiga Hull City.
Cayaartan xiisaha badan ayaa kusoo idlaatay 3-2 oo ay guusha ku raacday Chelsea balse naadiga Hull City ayaa dadaal adag muujisay.
Kulankan kooxda Chelsea ayaa dar dar waali ah kusoo gashay waxaana ku habsaday daafacyada Hull City weerar aan kala go’laheyn.
Midaasna waxay sababtay in Eden Hazard uu gool dhaliyo daqiiqadii 2-aad waxaana caawinaad ka geestay Diego Costa.
Sidoo kale Diego Coast ayaa cayaarta 2-0 ka dhigay daqiiqadii 7-aad waxaana caawinaad ka geestay Cesc Fabregas.
Balse midaas naadiga Hull City ma niyad jebin waxayna la timid kooxdan dadaal dheeri ah balse goolhaye Courtois ayaa fursado fiican ka celiyay.
Laakiin daafaca Chelsea ayaa la jabsaday waxaana loo dul maray sida roob oo kale madaama Hull City goolal deg deg ah iyadana heshay.
Ahmed El Mohamady aya cayaarta ka dhigai 2-1 daqiiqadii 26-aad halka Abel Hernández uu cayaarta 2-2 ka dhigay daqiiqadii 28-aad.
Macalin Jose Mourinho aya fahmi waayay meeshaa ay wax ka qaldan yihiin waxaana qaybtii hore lagu kala nastay 2-2 waxayna kooxda Hull City muujisay inaan loo dhawaan karin qaybtii hore.
Markii la isku soo laabtay labadan koox waa is mari waayeen sidoo kalena Costa ayaa dhaawac dhanka muruqa ah ku baxay waxaana lagu badalay Loïc Remy.
Weeraryahanka reer France Loïc Remy ayaa Chelsea u dhiibay hogaanka xili ay u baahneed wuxuuna cayaarta ka dhigay 3-2 daqiiqadii 77-aad.
Goolkii 3-aad ayaa naadiga Hull City niyada ka jebiyay waxaaa ku adkaatay inay iska soo gudaan madaama Chelsea jeebo adag dhigatay.
Ugu dambeyntii Blues ayaa guusha ku qaadatay 3-2 waxayna u ahayd cayaartan mid aysan iloobi karin madaama Mourinho iyo xidigahiisa lagu adkeyn rabay balse Loïc Remy ayaa bad baadiyay oo sedex dhibcood oo qaali ah gacanta u galiyay.