Home » Maxaa Cusub » Louis Van Gaal Oo Ka Farxiyay Jamaahiirta Man United – Falcao Malaga Yabaa Inuu Kulanka Arsenal Safto?

Louis Van Gaal Oo Ka Farxiyay Jamaahiirta Man United – Falcao Malaga Yabaa Inuu Kulanka Arsenal Safto?


Falcao

Tababaraha kooxda Manchester United Louis Van Gaal ayaa ka dhawaajiyay iney macquul tahay dib usoo laabashada weeraryahanka reer Colombia Radamel Falcao kulanka Arsenal.

Xidigii hore kooxda As Monaco ayaa dhawaanahaan dhaawac dhanka jilibka ah qabay wuxuuna kaliya kooxdiisa kasoo muuqday kaliya shan kulan, iyadoo ay jirtay in xidigaan mudo 7-bilood ah uu dhaawac kaga maqnaa Monaco ka hor inta uusan maalintii ugu dambeysay si amaah ah ku imaan Old Trafford.

Radamel Falcao wali ma dhameysan 90 daqiiqo hal ciyaar, badal ayuuna ku imaanayay ama ku baxayay dhamaan kulamada uu kooxda u saftay, si kastaba Falcao haatan wuxuu qarka u saaran yahay inuu dib ugu soo laabto garoomada kulanka Arsenal.

Dhanka kale Jonny Evans, Phill Jones iyo Rafael Da Silva ayaa la xaqiijiyay iney seegi doonaan kulankaas Arsenal.

Louis Van Gaal ayaana ku adkeystay in xidigahaas aysan mudo badan ciyaarin dhaawac aawadeed, isla markaana aysan macquul aheyn iney xitaa kursiga soo fariistaan madama aan loo baahneyn in naftooda halis la galiyo.

Macalinkaan reer Holland wuxuu tusaale usoo qaatay dhaawaca McNair ku yimid kulankii Crystal Palace kaas oo garoonka soo galay isagoo dhaawac horay qabay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>