Macalinka haatan ee kooxda Manchester United Louis Van Gaal ayaa ka dhawaajiyay in shaqadaan uu haatan u hayo kooxda ka dhisan Old Ttafford ay tahay midii ugu dambeeysay oo uu qabanayo waayahiisa ciyaaraha.
hadalka Louis Van Gaal ayaa laga dheehan karaa in macalinkaan uu doonayo inuu waqti badan sii joogo Old Trafford, inkastoo heshiiska uu kooxdaan kula jiro uu ku egyahay 2017.
63-jirkaan reer Holland sidoo kale wuxuu soo maamulay kooxo waaweyn oo yurub qiimo ku leh waana Barcelona iyo Bayern Munich mudadii uu ciyaaraha ku dhex jiray.
Van Gaal oo la hadlayay Daily Telegraph ayaa yiri: “Waan duqoobay, tanina waa shaqadeydii ugu dambeysay, sidaan hubo, waa inaan taxadar siiyaa caruurteyda, iyo caruurta aan awoowaha u ahay iyo sidoo kale xaaskeyga weyna u qalmaan”
“Haatan ma siin karo taxadar fiican, mana ka qeyb galo dhalashada ilmaha aan awoowaha u ahay, tusaale ahaana ma jecli sidaas”
Ugu dambeyntii Louis Van Gaal wiilashiisa haatan waxey fadhiyaan booska afaraad ee horyaalka inkastoo laga doonayo inuu kooxda UCL usoo saaro.