Burburiyaha reer Brazil ee kooxda Liverpool Lucas Lieva ayaa xaqiijiyay inuu dalab ka helay macalinkiisii hore kooxda Reds Rafael Benitez kaas oo haatan uga gacan haatinayo horyaalka Serie A-da dalka talyaanig gaar ahaan kooxda Napoli.
Xidigaan reer Brazil ayaa heshiis waqti dheer ah u saxiixay kooxdiisa sanadii lasoo dhaafay, balse wuxuu ka miq nodon waayay safka hore ee kooxda taas ayaana ku qasabtay inuu kooxda ka dalbado in la iibiyo.
Benitez oo ah shaqsigii 2009, xidigaan usoo iibiyay kooxda Liverpool ayaa haatan doonaya inuu xidigiisa dib ula midoobo isla markaana ku xoojiyo kooxdiisa Napoli.
“Benitez wuxuu i weydiistay inuu ila saxixdo, mar walbana waxaan doonayaa inaan joogto u ciyaaro, waan arki doonaa wixii dhaca mustaqbalka” Ayuu yiri Lucas.
Xaalada Lucas ayaa sii cakirantay markii kooxda ay xili ciyaareedkaan lasoo saxiixata da’yarka reer Jarmal, Emre Can kaas oo haatan dhaawacyo ay hareeyeenba bilowgiisii kooxda.
Ugu dambeyntii Liverpool wax war ah ma aysan ka dhihin hadalka xidigeeda heerka caalami, balse January waxey kooxda sameyn doontaa isku shaandheyn baahsan.