Macalinka kooxda Liverpool Brendan Rodgers ayaa saxaafada u sheegay in xidiga Reds ugu muhiimsan Lucas Leiva uu garoomada ka maqnaan doono mudo dheer.
Lucas dhaawac dhanka muruqa hoose ah ayaa soo gaaray kulankii ugu dambeeyay ee Liverpool la cayaartay naadiga Everton wuxuuna haatan u baahan yahay nasiino dhowr todobaad ah sida uu Rodgers xaqiijiyay.
“Lucas waa hubaal mudo dheer ayuu naga maqnaan doonaa madaama uu halis noqday dhaawac dhanka muruqa hoose ka gaaray waana ka xumahay in xiligan xasaasiga ah uu naga dhaawacmo”
28-jirkan u dhashay dalka Brazil door muhiim ah ayuu ku yeeshay shaxda cusub ee Liverpool cayaarto 3-4-2-1 madaama uu noqday laacib daafaca iyo weerarka isku xiro.
Wuxuuna Liverpool u suura galiyay labadii bilood ee ugu dambeesay kaliya in hal kulan kooxdiisa laga badiyo balse maqnaanshaha Lucas ayaa kusoo beegmi doonto xili Liverpool kulamo adag kusoo fool leeyihiin.
Waxayna Liverpool la cayaari doontaa kulamada kusoo fool leh, Tottenham, Southampton, Man City Besiktas iyo kulamo kale sidaa darteed waa hubaal in Reds laga dareemi doono maqnaanshaha Lucas madaama uu yahay xidig aad ugu wanaagsan dhanka kubad raacashada.