Home » Horyaalada » La Liga Spain » Luis Enrique Oo Doonaya Inuu Camp Nou Kusii Hayo Pedro Oo Bartilmaameed U Ah Kooxo Ka Dhisan EPL-ka

Luis Enrique Oo Doonaya Inuu Camp Nou Kusii Hayo Pedro Oo Bartilmaameed U Ah Kooxo Ka Dhisan EPL-ka


Pedro

Tababaraha reer Spain ee leyliya kooxda Barcelona Luis Enrique ayaa qiray iney farxad u tahay inuu heysto Pedro Rodriguez kaas oo bartilmaameed u ah kooxo badan oo ka dhisan qaarada yurub haba ugu badnaadeene kooxaha ka dhisan Ingiriiska.

Pedro Rodriguez kuma faraxsana waayahiisa Barcelona ee sanadkaan madama uu boos joogto ah ka waayay kooxda, wuxuuna keyd u galay Luis Suarez waxaana dhowr jeer lala xiriiriyay xidigaan inuu ka hayaamayo Camp Nou.

Arsenal, Liverpool & Chelsea ayaa ah kooxaha doonaya xidigaan balse Enrique ayaa doonaya inuu ilaashado xidigiisa reer Spain isagoo doonaya inuu ku qanciyo noloshaan dhibka badan ee haatan ku heysata gobolka Catalunya.

Luis Enrique ayaa xidigaan ku tilmaamay nin shaqo badan oo ciyaari kara boos walba oo khadka dhexe ah wuxuuna intaas ku daray in Pedro uu yahay nin ku firfircoon shaqada.

Ugu dambeyntii Pedro ayaan go’aan ka gaarin mustaqbalkiisa wali balse waxaa la filayaa inuu go’aankan gaaro marka uu dhamaado xagaagan.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>