Barcelona ayaa magacowday kooxda ay finalka Champions League-ga kula ciyaari doonto Juventus waxaana kasoo muuqday kabtankooda labaad Andreas Iniesta uu maalmihii ugu dambeeyay dhaawac ku seegay tababarka kooxda.
Xidigaan reer Spain ayaa shaki la galinayay inuu safto finalka madama uu xanuun dareemay todobaadkaan, balse wuxuu ka mid noqday 26-ka xidig ee ay Barcelona Berlin ula safri doonto.
Sadex ka mid ah waa wiilasha La Masia, halka 23-ka kalana ay yahiin ciyaartoyda Barcelona waxaana ka mid ah Suarez, Neymar, Messi iyo Rakitic.
Munir El Haddadi, Sandro Ramriez iyo Sergi Samper ayaana kaliya ah sadexda xidig ee kooxdaan kaga soo biiray dhanka La Masia.
Kooxda Barcelona Ee Finalka:
Ter Stegen, Bravo, Masip, Alves, Douglas, Montoya, Pique, Mascherano, Mathieu, Bartra, Vermaelen, Adriano, Alba, Busquets, Samper, Rakitic, Xavi, Iniesta, Sergi Roberto, Iniesta, Rafinha, Pedro, Messi, Munir, Suarez, Sandro, Neymar