Halyeega reer Portugal Luis Figo ayaa ka dhawaajiyay in labada xidig ee maanta caalamka ugu wanaagsan Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi aysan ahaan laheyn kuwo caalamka ugu wanaagsan hadii ay kusoo beegmi lahaayeen waayihii uu kubada cagta cayaari jiray.
Figo ayaa aaminsan in CR7 iyo Messi aysan caalamka hormuud ka noqon laheyn hadii ay kusoo beegmi lahaayeen 90-kii ama bilawgii 2000.
“Hadii aan macalin ahaan lahaa xiligan waxaan lasoo saxiixan lahaa Messi iyo Cristiano, waa labo cayaaryahan oo aad u wanaagsan kana sareeyaan xiligan dhamaan xirfadlayaasha kubada cagta”
“Balse waan nasiib badanahay madaama aan lasoo cayaaray waayaheygii xidigo aad u tayo wanaagsan oo xitaa ka wanaagsanaa Messi iyo Ronaldo”
“Marka Cristiano iyo Lionel hadii ay aayihii aan cayaari jiray kusoo aadi lahaayeen am ahan laheen kuwa caalamka ugu wanaagsan”
Geeska kale Figo ayaa ka hadlay kooxaha uu aaminsan yahay inay sanadkan ku guuleesan karaan koobka horyaalada Yurub “Champions League waa sanad kale oo ka dhaxeyn doono hanashadiisa Real Madrid, Barcelona, Bayern Munich iyo Chelsea”
Sidoo kale Figo ayaa ka hadlay kooxa qaadi karto La Ligaha wuxuuna hadalkiisa kusoo koobay “Waa iska cadahay La Ligaha waxaa ku guuleesan doonaan Real Madrid ama Barcelona waa labada koox ee dhaqan ahaan horyaalkan kooxaha kale awood ku maquuniyaan”