Garabka ay milkiyadiisa leedahay kooxda Manchester United Luis Nani kaas oo amaah haatan ugu ciyaara kooxdiisii hore Sporting Lisbon ayaa ka dhawaajiyay inuusan niyada ku heyn dib ugu laabashada garoonka Old Trafford.
Kusoo laabashadiisa Sporting Lisbon ayaa ka dhigtay in xidiga uu dib ugu laabto qaab ciyaareedkiisii wacnaa oo uu soo bandhigayay maalmihiisii Man United ee wanaagsanaa, waxaana markaan Louis Van Gaal uu ku dadaali doonaa sidii uu dib ugu soo celin lahaa garoonka Old Trafford.
Luis Nani oo la hadlayay wargeyska O Jogo ee kasoo baxa Portugal ayaa shaaca ka qaaday in sida daacada ah uusan ku fakareynin dib ugu laabashada kooxda Man United.
Si Kastaba hadalka kasoo yeeray Luis Nani ayaa niyada u dhisaya kooxda Sporting Lisbon oo haatan ka fa’ideysaneysa qaab ciyaareedka xidigaan reer Portugal.
Ugu dambeyntii Luis Nani wuxuu doonayaa inuu sii joogteeyo bandhigiisa wanaagsan ee Sporting Lisbon isla markaana uu sanado badan kusii sugnaado kooxdiisii hore.