Home » Maxaa Cusub » Luis Suarez Oo Difaacay Xidiga Liverpool Ku Fashilmay Mario Balotelli

Luis Suarez Oo Difaacay Xidiga Liverpool Ku Fashilmay Mario Balotelli


luis-suarez-enchaine-les-performances-au-barca_149183

Mario Balotelli xili cayaareedkan kaliya Liverpool 4-gool ayuu u dhaliyay dhamaan tartamada kala duwan wuxuuna ka mid noqday saxiixyadii ugu xumaa xagaagan oo ay kooxaha reer England sameeyaan.

Balse laacibka reer Talyaani ee haatan garoonka Anfield ku dhibaateen waxaa niyada u dhisay weeraryahankii hore ee Liverpool Luis Suarez.

Suarez oo niyada u dhisaayo Balotelli wuxuu yiri “Mario koox waa weyn ayuu usoo cayaaray sidoo kalena uu wax galnimadiisa ka dhex muujiyay”

“Ma sahlano inaan koox walbo si toos ah ula qabsato dhibaatada laacibkan heesato ayaa ah in mudo gaaban uu sedex naadi ugu cayaaray weliba bixitaankii Man City ayaa dhib u keenay”

“Waxaan ku kalsoonahay in Balotelli uu isbadal wanaagsan la imaado sidoo kalena Liverpool wax badan ka caawo xili cayaareedka dambe”

Luis Suarez isaga siweyn ayuu ugu raaxeesanaa waqtigiisa kooxda Barcelona wuxuuna xili cayaareedkan dhaliyay 25-gool dhamaan tartamada kala duwan.

Halka Balotelli uu qarka u saaran in laga racadeeyo garoonka Anfield marka uu xili cayaareedkan dhamaado.

 

 

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>