Home » Horyaalada » La Liga Spain » Luis Suarez Oo Ku Kalsoon In Barcelona Markale Ay Sedexley Koobab Ah Ku Guuleesa Karto

Luis Suarez Oo Ku Kalsoon In Barcelona Markale Ay Sedexley Koobab Ah Ku Guuleesa Karto


Suarez Trophy

Weeraryahanka reer Uruguay iyo kooxdiisa Barcelona xili cayaareedkii dhawaa sedex koob oo taariikhi ah ayay ku guuleesteen (La Liga, Copa del Rey iyo UEFA Champions League).

Luis Suarez ayaa ku kalsoon in kooxdiisa ay markale ku celin karto ku guuleysiga sedexley koobab ah xili cayaareedka cusub.

Luis Suarez wuxuu yiri “Barcelona waa koox awood badan welina fursad wanaagsan u heesato inay markale sedexley koobab ah ku guuleesato xili cayaareedka cusub”

“Sharaf weyn ayay ii ahayd inaan sedex koob oo taariikhi ah Barcelona kula guuleesto sidoo kalena sharaf sare ayay ii noqon doontaa inaan markale xili cayaareedka cusub ku celino isla dadaalkii sanadkii hore”

“Barcelona waa kooxda aduunka ugu wanaagsan sidoo kalena wax walbo ayaa laga filan karaa xili cayaareedka cusub madaama aan dhamaanteena baahi u qabno ku guuleysiga koobab dheeri ah”

Luis Suarez iyo labadiisa saaxiib Lionel Messi iyo Neymar waxay sameeyeen rikoor taariikhi ah xili cayaareedkii dhawaa madaama ay sedexdan xidig wadajirkoosa dhaliyeen 122-gool dhamaan tartamada kala duwan.

Sidaa darteed Suarez ayaa ku kalsoon in isaga iyo saaxiibiisa MSN ay markale wacdaro taariikhi ah dhigi karaan.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>