Home » Maxaa Cusub » Luis Suarez Oo Ku Laaban Doono Liverpool!

Luis Suarez Oo Ku Laaban Doono Liverpool!


Suarez

Weeraryahanka naadiga Barcelona Luis Suarez ayaa dib ugu laaban doono magaalada Liverpool si uu kaga qayb qaato kulan sadaqo ah ee uu Steven Gerrard agaasimay.

Suarez ayaa aqbalay inuu ka qayb qaato kulanka lagu sagootin doono kabtan Gerrard marka uu xili cayaareedkan soo idlaado madaama uu Suarez xiriir wanaagsan la leeyahay Steven.

Suarez ayaa Liverpool u dhaliyay 82-gool asigoo u saftay 133-kulan ka hor inta uusan bilawgii xili cayaareedkan naadiga Barcelona ku biirin balse Suarez marwalbo si joogto ah ayuu ula socdaa waxa kusoo kordho garoonka Anfield.

Sidoo kale kulankan Steven lagu sagootin doono waxa ka qayb qaadan doonaan halyeeyaasha Reds ku weyn sida  Xabi Alonso, Fernando Torres, Pepe Reina iyo Dirk Kuyt sidoo kale martid kale ee kulankan imaan doonto waxaa ka mid ah  Thierry Henry, Didier Drogba iyo John Terry.

Sidoo kale xidigaha kale ee haatan Liverpool ku sugan iyagana wey ka qayb qaadan doonaan kulankan gaar ahaan kuwa aan xiligaas loogu yeerin xulalkooda kala duwan.

Kulankan waxaa labada dhinac kabtan u kala noqon doonaan Steven Gerrard iyo Jamie Carragher waxaana la sheegay lacagta cayaartan laga helo lagu taakuleen doono bulshada gobolka Mersyside ku nool.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>