Home » Maxaa Cusub » Luis Suarez Oo Markale Jamaahiirta Liverpool Ka Careysiiyay Hadaba Maxay Tahay Sababta

Luis Suarez Oo Markale Jamaahiirta Liverpool Ka Careysiiyay Hadaba Maxay Tahay Sababta


Suarez

Dhawaan Luis Suarez wuxuu ka careysiiyay taageerayaasha Liverpool madaama uu ka dhawaajiyay in Reds la’aantiisa socon karin sidoo kalena uu isaga sabab u ahaa in xili cayaareedkii hore Liverpool ay ku dhawaato hanashada EPL.

Inkastoo hadalkaas siyaabo kala duwan ay taageerayaasha Liverpool kaga jawaabeen hadana Suarez markale ayuu Liverpool niyada ka dhaawacay madaama uu ka dhawaajiyay inuu mustaqbalkiisa cayaareed ku dhameesan doono garoonka Camp Nou.

Suarez ayaa taageerayaasha Liverpool kula balamay markii uu xagaaga ka tagaayay inuu mustaqblka dhow ama midka dheer dib ugu soo laaban doono garoonka Anfield balse haatan balankaa wuu kaga baxay.

Wuxuuna ka doortay Barcelona oo uusan weli kulan caalami ah u safanin ayuu sheegay inuu mustaqbalkiisa cayaareed kusoo gaba gabeen doono, hadaba markana taageerayaasha Liverpool maxay ugu jawaabi doonaan Suarez oo si rasmi ah u cadeeyay inuusan markale Anfield kusoo laaban doonin!

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>