Weeraryahanka reer Uruguay Luis Suarez ayaa qeexay in u ciyaarida Barcelona ay tahay qibradii ugu dambeysay dhanka kubada cagta wuxuuna hadalkiisa ku daray inuusan wali aaminsaneen inuu yahay xidig ka tirsan kooxda Barcelona ee gobolka Catalan.
Xidigii hore Liverpool ayaa xagaagan kusoo biiray Barcelona isagoo Anfield Road kaga soo dhaqaaqay aduun lacageed dhan 88 Malyan Oo Euro, inkastoo kaliya uu sadex kulan kasoo muuqday kulamada horyaalka madama uu ganaax kasoo toosay xili dhaw kadib markii uu qaniinay Chiellini koobkii Aduunka.
Inkastoo xidigaan aysan suuragal u aheyn inuu kulan caalami ah matalo xulkiisa Uruguay balse uu u fasaxan yahay inuu kulamada saaxiibtinimo kala qeyb galo ayaa doonaya inuu diirada saaro waayahiisa Barcelona, xili kulankii ugu dambeeyay uu ka yaabiyay kooxdiisa markii uu badal kusoo galay qeybtii dambe ciyaarta isla markaana uu sameeyay laba caawinaad oo kooxda ay guul ku gaartay.
“Aniga ahaan, waxey ii tahay qibradii ugu dambeysay u ciyaarida Barcelona” ayuu u sheegay Fox Sports.
“Markaan yaraa oo aan usoo safro Barcelona, waxaan fiir fiirin jiray alaabta taala qolka kooxda, haatana maba aaminsani runna iilama muuqato inaan ka mid ahay Barcelona”
Si Kastaba 27-jirkaan heerka caalami ee Uruguay kasoo jeeda ayaa xili ciyaareedkii tagay wacdaro kasoo dhigay Premier League markii uu dhaliyay 31-gool, wuxuuna Liverpool u dhaweeyay ku guuleysiga horyaalka markii ugu horeysay 24-sano kadib, balse arinta uu aadka uga xumaaday ayaa aheyd inuu iska waayay liiska musharaxiinta Abaalmarinta Ballon d’Or.