Home » Horyaalada » La Liga Spain » Luis Suarez “Waxaa La Iila Dhaqmay Sida Qof Dambi Galay Oo kale!”

Luis Suarez “Waxaa La Iila Dhaqmay Sida Qof Dambi Galay Oo kale!”


Suarez

Luis Suarez oo dhawaan garoomada dib ugu soo laabtay kadib markii uu ganaaxiisa 4-bilood uusoo dhameestay ayaa dib usoo gocday dhibaatadii uu kala kulmay ganaaxii adkaa ee xidigan la dul dhigay.

“Dhibaato badan oo aan lasoo koobi karin ayaan la kulmay waxayna caalamka intooda badan iila dhaqmeen sida inaan galay dambi aan  u xun”

“Waan ogahay inaan qalad galay weliba markeygii sedexaad ayaan galay waana ka shaleynaa falkii aan sameeyay laakiin xaq ma ahayn in dambiile la iiga dhigo!”

“Waxaan u baahnaa caawinaad madaama aan qaladkeygii qirtay inta badana qofkii qaladkiisa qirta waa la caawiyee balse aduuunka oo dhan ayaa iga soo horjeestay”

27-jirkan ayaa sidoo kale sheegay inuu haatan ku raaxeesanaayo kusoo laabshada kubada cagta sidoo kalena uu rajeynaayo inuu dib u saxo qaladkii uu galay.

“Waxaan ku faraxsanay inaan markale kubada cayaaro sidoo kalena kalsooni buuxdo ayaan isku qabaa inan qaab cayaareedkeygii wanaagsanaa halkiisa kasii amba qaadi karo”

Ugu dambeyntii Suarez ayaa u mahad celiyay Steven Gerard oo uu ku tilmaamay inuu ahaa shaqsigii marwalbo niyada u dhisi jiray.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>