Tababaraha kooxda Man United Luis Van Gaal ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegayo inuu la dagaalansan yahay xidigiisa Angel Di Maria.
Wararkan ayaa soo ifbaxeen kadib markii bilawgii todobaadkan uu macalin Van Gaal qaybtii hore badalay Di Maria kulan Man United 2-0 guusha kaga qaadatay kooxda Sunderland.
“Cayaaryahan kasto hoos u dhac wuu qabsan karaa ama hal kulan wuu xumaan karaa sidaa darteed Di Maria maalin xun ayay u ahayd kulankii Sunderland”
“Angel waa xidig ku cusub EPL welina lama uussn qabsan kubada xawliga ku dheehan ee horyaalkan laga cayaaro sidoo kalena dhaqanka iyo nolosha halkan uma sahalno asiga”
“Di Maria kaligiis ma ahan dhamaan xidigaha aa soo iibsanay Shaw, Blind, Herrera iyo Falcao weli 100% naadiga ulama qabsanin waxaana ugu wacan inay meel ku cusub imaadeen”
“Aniga wax dhib ah kuma qabo arinka Di Maria waxaana soo maamulay cayaartooy asiga la mid ah markii aan joogay Holland, Spain iyo Germany dhamaantooda marxaladii adkeed wey ka gudbeen”
“Waxaan rajeynaa Di Maria inuu wax badan naga caawin doono sidoo kalena uu kubada England si dhaqsi ah ula qabsado”