Xidiga reer Croatia Luka Modric wuxuu awoodi waayay kooxdiisa Real Madrid inuu xili cayaareedkan intiisa badan caawiyo madaama ay dhaawacyo u gaar ah asiibeen.
Sidaa darteed Modric ayaa ka dhawaajiyay in xili cayaareedkan 2014/15 uu u ahaa mid xanuun badan madaama uu daawanayay sidoo kalena wax ka qaban waayay kooxdiisa Real Madrid oo ku fashilmatay inay ku guuleesato dhamaan tartamadii ay ka qayb qaadatay.
Wuxuuna yiri “Waa arin xanuun badan inaan awoodi waayay caawinta kooxdeyda Real Madrid weliba xili cayaareedkan mid kooxda u xun ayuu ahaa”
“Xili cayaareedkii hore wuxuu ahaa mid ii wanaagsan sidoo kalena kooxda u wanaagsan balse xili cayaareedkan arina caksi ayuu noqday wuxuuna ku dhameestay niyad”
Luka Modric ayaa aaminsan in kooxdiisa awood ahaan dheeli tiran tahay sidoo kalena uu isaga wax badan ka caawin karo marka uu dib usoo laabto.
“Madrid waa koox awood badan waxaana hubaa inaan xili cayaareedka dambe bandhig wanaagsna sameyn karno sidoo kalena aan koobab muhiim ah ku guuleesan karno”
Real Madrid xili cayareedkan kaalinta labaad ayay La Ligaha Spain ka gashay halka Copa del Rey ay wareega 8-aad ku reebtay kooxda ay xifaaltamaan Atletico Madrid sidoo kalena Champion-ka waxaa Smei Final ku reebtay naadiga Juventus.