21-jirka reer Belgium ayaa ka dhawaajiyay in kooxda Juventus ayay marar badan lasoo xariirtay xagaagii aan kasoo gudubnay balse Romelu Lukaku ayaa iska diiday dalabka Juve si uu EPL baaqi ugu sii ahaado.
“Juve ayaa ila soo xariirtay xagaagan sidoo kalena waa naadi awood badan balse waxaan ka door biday inaan Everton ku biiro”
“Waayo ka mid ahaan shaha Everton ayaan jeclahay mana ka shaleynayo go’aankii aan Juve ku diida”
“Waxaan dareemayaa inaan gurigeyga joogo marka aan Everton joogo sidaa darteed kooxdan wax walbo ayay ii sameesay anigana waxaan diyaar u ahay inaan sanado badan baaqi kusii ahaado Gudison Park”
Everton haatan Premiership-ka England waxay uga jirtaa kaalinta 17-aad balse Lukaku ayaa aaminsan in kooxdiisa ay marxaladan adag ka gubdi doonto sidoo kalena dhamaadka xili cayaareedkan ay soo higsan doonaan kaalinta ay u qalmaan.