Home » Maxaa Cusub » Lukas Podolski Oo Ka Dagay Dalka Turkiga Si Uu U Dhameystiro Ku Biiritaanka Kooxda Galatasaray

Lukas Podolski Oo Ka Dagay Dalka Turkiga Si Uu U Dhameystiro Ku Biiritaanka Kooxda Galatasaray


lukas

Lukas Podolski ayaa maanta galinka dambe si rasmi ah ugu biiri doona kooxda Galatasaray ee dalka Turkiga, balse haatan wuxuu ka dagay Istanbul si uu u dhameystiro heshiiska uu kooxdaan ugu wareegayo.

30-jirkaan reer Jarmal ayaa boos joogta ah ka waayay kooxda Wenger wuxuuna lixdii bilood ee ugu dambeeyay xagaaga 2014-2015 amaah guuldareysatay ugu ciyaaray kooxda Inter Milan ee dalka talyaaniga.

Galatasaray ayaa isku dayday iney xidigaan lasoo saxiixato 2012, balse wuxuu xiligaas 11 Malyan Oo Pound ugu biiray kooxda Arsenal ee waqooyiga London.

Si kastaba ha ahaatee xidigaan jarmalka kula guuleystay koobka Aduunka sanadii hore ayaa heshiis sadex sano ah u saxiixay kooxda turkiga ka dhisan wuxuuna maanta galinka dambe noqon doonaa xidig ka tirsan Galatasaray.

Dhanka kale wakiilka xidigaan Nassim Touihri ayaa u sheegay saxaafada sababta rasmiga ah ee ka dmabeysa iney inuu xidigaan ka tago Gunners.

“Wadahadal qurux badna ayaan la yeelanay Wenger, wuxuu noo sheegay inuu doonayo Podolski inuu sii joogo Emirates balse uusan u balan qaadi karin boos joogto ah, waanan sababta aan ugu saxiixnay Galatasaray”

Ugu dambeyntii Podolski maanta galinka dambe ayey Galatasaray ku dhawaaqi doontaa saxiixiisa.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>