Laacibka ree Jarmal Luks Podolski oo saaxiib la noqday kursiga keydka kooxda Arsenal ayaa si rasmi ah u muujiyay niyad jabka uu ku qabo Waqooyiga magaalada London wuxuuna ka dhawaajiyay inuu sida ugu dhaqsiyaha badan maamulka Gunners-ka kulan ula qaadan doono.
29-jirkan marnaba xili cayaareedkan laguma soo bilaabi Line Up-ka Arsenal kulan ka tirsan Premiership-ka England ama xitaa koobka horyaalada Yurub midaasna waxay muujinee inuusan ka mid ahayn qorshaha macalin Arsene Wenger.
Podolski oo haatan caradiisa qarsan waayay wuxuu yiri “Dabcan ma faraxsani waayo waxaan jeclahay inaan marwalbo kubada cayaaro midaasna haatan Arsenal kuma heesto”
“Kulan xasaasi ah ayaan la qaadan doona madaxa kooxda balse wax cadaadis ah ima saarno waxaana ku fikiraa inaan jiilaalkan go’aan ka gaaro mustaqbalkeyga ku aadan joogitaanka Emirates”
Lukas Podolski kaliya hal gool ayuu kooxdiisa Arsenal u dhaliyay xili cayaareedkan wuxuuna ka dhaliya naadiga Andrelecht kulan ka tirsanaa koobka horyaalaa Yurub oo uu badal kusoo galay.