Home » Horyaalada » italian Serie A » Lukas Podolski Oo Ka Hadlay Cilada Heesato Madaama Weli Uusan Inter Wax Gool Ah U Dhalinin

Lukas Podolski Oo Ka Hadlay Cilada Heesato Madaama Weli Uusan Inter Wax Gool Ah U Dhalinin


Lukas Podolski

 

Weeraryahanka reer Jarmal Lukas Podolski ayaa sheegay inuu si wacan ula qabsaday kooxdiisa Inter Milan sidoo kalena uu aad u fahmay kubada adag ee laga cayaaro Serie A-da.

Balse xidigan ayaa xusay in weli wax badan ay ka dhiman yihin hormarkii uu niyada ku haayay madaama uusan weli kooxdiisa cusub wax gool ah u dhalinin.

“Wax dhibaato ah kuma qabo marka saxaafada iyo dadka kaleba ay dhaliil ii soo jeediyaan”

“Waan ogahay waxa leyga rabo madaama aan kubada sanado badan kusoo dhex jiray cilada aan haatan qabo ayaa ah inaan weli kooxdeyda u dhalinin goolashii la iga filaayay”

“Guud ahaan bandhigeyga Inter Milan ma xumo qof walbo oo naadiga ka tirsan wuxuu amaanaa dadaalkeyga balse waa muhiim inaan goolal dhaliyo si shaqadeyda ay u noqoto mid dhameestiran”

“Sidoo kale markii aan Arsenal ku cusbaa waxaa igu adkaatay inaan kubada England la qabsado balse markii dambe si wacan ayaan u fahmay”

“Waxaan doonayaa inaan Inter kulan walbo caawiyo inta ka harsan xili cayaareedkan sidoo kalena dadaal xoogan ayaan sameyn doona si aan gool u dhaiyo”

Lukas Podolski bishii Janaayo ayuu kooxda Arsenal qaab amaah kaga soo tagay balse ilaa haatan uma suura galin inuu Inter gool u dhaliyo.

 

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>