Home » Horyaalada » italian Serie A » Lukas Podolski Oo Ka Madax Adeegayo Inuu Garoonka Emirates Dib Ugu Soo Laabto

Lukas Podolski Oo Ka Madax Adeegayo Inuu Garoonka Emirates Dib Ugu Soo Laabto


Podolski

Weeraryahanka reer Jarmal Lukas Podolski inkastoo uu ku guul dareestay inuu kooxda Inter Milan ka dhex muuqdo hadana ma doonayo inuu xagaagan dib ugu laabto garoonka Emirates.

Lukas Podolski bilawgii sanadkan ayuu Arsenal qaab amaah ah kaga tagay wuxuuna ku biiray kooxda Inter Milan sidaa darteed heshiiskiisa ayaa ku eg bisha June wuxuuna dib ugu laaban doonaa Waqooyiga London.

Laakiin Lukas Podolski ayaa arinkan ka hor imaaday wuxuuna doonayaa inuu Inter Milan baaqi kusii ahaado sidoo kalena heshiiska amaahda ah mid joogto ah laga dhigo.

Asigoo mustaqbalkiisa cayaareed ka hadlaayo wuxuu yiri “Heshiis hal sano ah ayaa iigu harsan Arsenal waana inaan tixgaliyaa”

“Balse rabitaankeyga wuxuu yahay inaan halkan sii joogo oo aan Inter Milan kasii mid ahaado waayo tababare Mancini si wanaagsan ayuu iila dhaqmay”

“Go’aan ii haboon ayaan qaadan doonaa xagaagan waxaana kala tashan doonaa qoskeyga oo aan weydiin doono halka ay jecel yihiin inaan mustaqbalkeyga cayaareed kasii wato”

Xidiga reer Jarmal waxaa saaran culees weyn madaama uu sanadkan 2015 ku guul dareestay inuu Inter goolal badan u dhaliyo lamana ogo in kooxda reer Talyaani ay heshiiskiisa mid joogto ah ka dhigi doonto.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>