Weeraryahanka xulka Jarmalka kula guuleestay koobka aduunka Lukas Podolski ayaa xili qaraw ah kusoo qaatay Serie A-da Talyaaaniga 6-bilood ee ugu dambeesay.
Lukas Podolski ayaa bilawgii sanadkan heshiis amaah ah kooxda Inter Milan kaga mid noqday wuxuuna markaas kasoo cararay kursiga keyska Arsenal.
Balse nasiib daro uma suura galin inuu xidigan Serie A-da Talyaaniga la qabsado wuxuuna Inter u dhaliyay 1-gool asigoo u saftay 17-kulan.
Lukas Podolski oo dib u shalaayay wuxuu yiri “Kubada England laga cayaaro ayaa ku haboon qaab cayaareedkeyga”
“Balse waan ku qaldanaa go’aankii aan Inter Milan ku aaday waayo kubada Talyaaniga kuma haboono nidaamka aan cayaaro”
“Sidaa darteed tilaabadii aan Inter ku aaday waxay ahayd mid aan in badan ka fiirsanin haatana dib ayaan uga shalaayay arinkaas”
“Marwalbo Arsenal inaan ku nagaado ayaan jeclaa waana ku kalsoonahay inaan fursad ka heli karo Emirates”
“Waa macquul in xagaagan aan isbadal sameeyo laakiin kama hord dhici karo waxa dhici karo inta uu suuqa Yurub furnaan doono”