Home » Maxaa Cusub » Ma Ogtahay In Arsenal Ay Haatan Milkiyadeeda Leeyihiin Sedex Bilyaneer Oo Lacagtooda Laga Yaaban Yahay!!

Ma Ogtahay In Arsenal Ay Haatan Milkiyadeeda Leeyihiin Sedex Bilyaneer Oo Lacagtooda Laga Yaaban Yahay!!


as_ozil1_4

Forbes oo sanad walbo soo bandhigto shaqsiyaadka aduunka ugu hantida badan ayaa sanadkan liiska kusoo dartay sedex ka mid ah milkiilayaasha Arsenal oo haatan ku jiraan liiska Bilyaneerada aduunka.

Alisher Usmanov oo leh 15% saamiga kooxda Arsenal ayaa warbixintan lagu sheegay inuu heesto £9.4billion waana shaqsiga ugu taajirsan dhamaan milkiilayaasha kooxaha Premiership-ka iska leh.

Sidoo kale ninka reer Mareekan Stan Kroenke oo leh 66% saamiga Arsenal ayaa isagana warbixintan lagu sheegay inuu heesto £4.1bn wuxuuna sidoo kale leeyahay kooxo kala duwan ee Mareekanka ka dhisan kuwaas oo cayaaro kala duwan cayaaraan.

Ninka sedexaad ee liiskan soo galay ayaa ah Farhad Moshiri waa nin reer British ah balse asal ahaan kasoo jeedo Monaco wuxuun heesta hanti ahaan £1.4bn.

Farhad Moshiri ayaa iska leh 15% saamiga kooxda Arsenal waana nin ka mid ah shaqsiyaadka aduunka ugu hantida badan.

Hadaba kooxda Arsenal milkayadeeda waxaa wax ka leh sedex nin oo ka mid ah Bilyaneedarada aduunka ugu hodansan!

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>