Wargeska Daily Star ayaa qoray sheeko xiiso badan taasi oo caalamka soo jiidatay madaama uu wargeeskan ka dhawaajiyay inuu jiro wada hadal hoose oo haatan u socdo kooxaha Chelsea iyo Real Madrid.
Waxayna labadan naadi ka wada hadlayaan qaabkii ay isku dhaafsan lahaayeen Rapheal Varane iyo goolhaye Thibaut Courtois.
Kooxda Real Madrid ayaa u aragto in goolhaye Thibaut Courtois uu booska Iker Casillas buuxin karo madaama kooxda reer Spain ku fashilmatay inay goolhaye David De Gae lasoo saxiixato.
Inkastoo Chelsea la aaminsan yahay inaysan iska iibin doonin goolhayaha 22-jirka ah ee xulka Belgium ka tirsan hadana Daily Star ayaa sheegay in Chelsea ay aqbali karto qorshaha Real Madrid.
Waayo macalin Jose Mourinho wuxuu mudo dheer ku raad joogay daafaca xulka France Rapheal Varane sidaa darteed Blues diyaar ayay u noqon doontaa marka uu xili cayaareedkan dhamaado inay goolhayaheeda Thibaut Courtois dhigeeda Madrid ku wareejiso.
Balse tilaabo labada dhinac ma qaadi karaan ilaa goolhaye Thibaut Courtois laga dhaadhacsiiyo inuu aqbalo ku biiritaanka Real Madrid waayo xidigan Real aadbuu u neceb yahay madaama uu mudo 3-sano ah kooxda Atletico Madrid ka tirsanaa.
Dhanka Varane wax dhibaato ah heshiiskan uma arko madaama uu jeclaan lahaa inuu dib ula midoobo macalinkiisii hore Jose Mourinho oo daafacan caalamka baray markii uu Real Madrid tababare u ahaa.