Home » Maxaa Cusub » Ma Runbaa In Louis Van Gaal Uu Doonayo Inuu January Soo Celiyo Luis Nani?

Ma Runbaa In Louis Van Gaal Uu Doonayo Inuu January Soo Celiyo Luis Nani?


Nani

Manchester United ayaa qaadi doonta talaabo muhiim ah madama ay dooneyso iney bisha January soo celiso garabka reer Portugal Luis Nani kaas oo kaliya laga joogo 12 isbuuc markii ay u ogolaanayeen inuu ku biiro Sporting Lisbon waliba si amaah ah.

27-jirkaan ayaa dib ugu laabtay kooxdiisii hore kadib markii United ay kooxdaas reer Portugal kala soo saxiixatay daafaca reer Argentina Marcos Rojo bishii August ee kal hore.

Si Kastaba Nani ayaa haatan ku raaxeysanaya qaab ciyaareed wacan wuxuuna ka mid noqday wiilasha ugu muhiimsan kooxda Sporting Lisbon sidoo kalana wuxuu kaalin weyn ka qaatay hormarka ay kooxda ka sameysay tartanka Champions League.

Kadib markii shaxdii Louis Van Gaal ee 3-5-2 ay ku adkaatay inuu wax uga keeno Premier League, isla markaana uu u badalay inuu ka dhigo 4-1-4-1, waxaa qasab noqotay in la helo xidigo garab ka weerar tag ah oo goosha toosin kara iyadoo haatan kooxda ay heysato Angel Di Maria.

Ugu dmabeyntii Van Gaal wuxuu doonayaa inuu bisha January soo celiyo Luis Nani, isla markaana uu ka qeyb galiyo dagaalka ay United ku dooneyso iney ku daboosho ceebtii soo gaartay xili ciyaareedkii hore.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>